Deni iyo Wasiir Bisle oo Khilaaf xooggan soo kala dhax galay

109

Waxaa bannaanka usoo baxaya khilaaf xooggan oo xilligan u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntlnad Siciid Cabdullaahi Deni iyo wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle, khilaafkan ayaana waxaa sababay shaqada ergay uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay khilaafka Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Qorsheynta ayaa meel xun gaaray, kaddib markii Siciid Deni uu dhawaan magacaabay wakiilkiisa arrimaha xiriirka caalamiga ah, kaa oo qabanaya qeyb kamid shaqadii wasaaradda Qorsheynta heysay.

Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay Maxamed Dhabancad in uu noqdo wakiilka Arrimaha Xiriirka Caalamiga ah, waxaana tan iyo magacaabistan Dhabancad la wareegay shaqadii wasaaradda ee la-macaamilka xirirka hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Puntland Daa’uud Bisinle ayaana aad uga carooday shaqadii wasaaradiisa uu la wareegay shaqsi gaar, waxa uuna muujiyay in shaqadii ugu muhiimsaneyd ee wasaaradda Madaxweynaha jeebka u galiyay shaqsi uu wato .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulamo ay yeesheen Madaxweyne Siciid Deni iyo Wasiirka Qorsheynta aysan ka dhalan natiijo wax ku ool ah, waxaana lasoo tabinayaa in suurto gal tahay in wasiir Daa’uud Bisinle uu iska casilo xilka uu hayo.