Deni oo baabi’iyey heyaddo ka tirsan Maamulkiisa

1462

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta dib u habeyn ku sameeyey heyadaha maamulkiisa, isagoo qaar baabi’iyey, kuwo kale magaca ka bedelay, halka heyaddo cusub oo aan horey u jirina uu soo kordhiyey.

Madaxweynaha Puntland oo Magaca Ka Bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland.

Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa baabi’iyey baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN).

Waxaa shaqadii heyadan laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha sida ku xusan wareegtada lagu magacaabay.