DENI OO CIIDAMO U DIRAY WAQOYIGA GAALKACYO

1697

Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Puntland oo aad u hubaysan, ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si ay u xaqiijiyaan Sugidda Amniga magaalada oo todobaadyadii u dambeeyay laga soo weriyay dhacdooyin amni-darro oo baahsan.

Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay, in ay hawlgal xasilin ah ka bilaabaan xaafadaha Gaalkacyo, kaasi oo lagu beegsan doono kooxaha kala duwan ee xasilooni-darrada ka wada Gaalkacyo, si loo soo celiyo Amniga magaalada.

Gaalkacyo, waxaa haatan ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo halkaasi kulamo kula leh Maamulka Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo ururada Bulshada, isagoo kala hadlaya Arrimaha Nabad-gelyada.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu dhowaan socdaal aan la sii shaacin ku tego magaalada Gaalkacyo, kaasi oo la xiriira hirgelinta Qorshaha Amniga iyo Hormarinta magaalada.