Deni oo ciidankii ugu badnaa geeyay Gaalkacyo

1685

Madaxweynaha Puntland ayaa amray in ciidamo ka badan 200 Askari iyo gaadiid dagaal oo cusub lageeyo magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo katirsan ciidamada ay tababarada, Zaadka iyo Taakuladuba siiso dawladda Imaaraatka Carabta & ciidan kale oo laga soo qaaday Jiida Tukaraq.

Ciidamadan ayaa howlgalo ka sameyn doona magaalada Gaalkacyo iyo deegaamooyinka gobalka Mudug, waxaana wararku cadeynayaan in ay wax ka qabanayaan kooxo lagu sifeeyey in ay Maandooriye isticmaalaan.

kooxo hubeysan oo shalay la sheegay in ay ka dambeeyen weerarkii sababay dhimashada Taliyihii ciidanka Madaxtooyada ayaa la xaqiijiyey in ay kusugan yihiin gudaha magaalada.