Deni oo deg deg looga yeeray Imaaraadka

8

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar deg deg ah ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed (UAE).

Madaxweyne Siciid Deni oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in safarka lagu wargeliyay saacado yar ka hor inta uusan ka dhoofin Boosaaso kadib markii uu marti qaad deg deg ah ka helay dowladda Imaaraadka Catabta.

Ilaa iyo hadda xog intaasi ka baxsan lagama helin safarka Madaxweyne Deni uu ugu baxay magaalada Dubai iyo ujeedad ay ugu yeertay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu saaxiib dhow la yahay.