Rakaabkii maalmihii dhowaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ayaa ku qasbanaaday inay laba jeer bixiyaan lacagta fiisaha, ka dib markii ay mas’uuliyiinta Puntland diideen inay aqbalaan nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah (e-visa) ee dowladda federaalka.
Sabtidii dad Soomaaliyeed oo sitay baasabooro shisheeye oo horey online-ka uga soo qaatay fiisaha elektarooniga ah ee rasmiga ah ee dowladda federaalka oo qiimihiisu ahaa $64, ayaa loo sheegay inay qasab ku tahay inay iibsadaan fiiso kale oo gaar ah oo ay bixiso Puntland, taasoo ku kacaysay $60.
Saraakiisha socdaalka ayaa diiday inay sharciyeeyaan dukumeentiga federaalka, taasoo dadkii safarka ahaa ku reebtay safaf dhaadheer, waxayna dhalisay caro ka dhex dhalatay dadkii lagu qasbay inay jeebkooda mar kale lacag ka bixiyaan.
Mid ka mid ah dadkaas, Maxamed Keynaan, ayaa ku tilmaamay falkaas mid ah “dhiig-miirasho” iyo mid dastuurka ka hor imanaya.
“Markii aan Garowe ka degay, laanta socdaalka waxay iga dalbatay $60 kale. Safaf dhaadheer oo rakaab ah—oo wareersan oo caraysan—ayaa lagu qasbay inay laba jeer lacag bixiyaan,” ayuu yiri.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa intaas ku daray in qoysaska ay ahaayeen kuwa dhibaatada ugu weyn ay soo gaartay, iyadoo qaar ka mid ah ay bixiyeen boqollaal doollar si ay garoonka uga abxaan. “Arrintani maaha wax caadi ah. Bulsho laguma dhiso. Waa dhiig-miirasho,” ayuu ku celiyay Keynaan, isagoo muujinaya dareen caro leh oo la mid ah kii dad badan oo kale.
Xudunta khilaafkan ayaa salka ku haysa isku dhac awoodeed. Dastuurka Soomaaliya wuxuu awoodaha socdaalka siinayaa dowladda federaalka. Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Puntland wuxuu u abuuray laba nidaam oo iska soo horjeeda—mid qaran iyo mid gobol. Waqtigan xaadirka ah, waa dadka soo booqanaya ee caalamiga ah iyo Soomaalida qurbajoogta ah ee sita baasaboorada shisheeye kuwa qaadaya culeyska kharashkaas.
Murankan ayaa soo shaac baxay maalmo un ka dib markii ay Muqdisho si rasmi ah u daah-furtay nidaamkeeda cusub ee E-VISA/ETAS 1-dii Sebtembar, 2025. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Immigration and Citizenship Agency) ayaa ku ammaantay nidaamkan dhijitaalka ah inay tahay “horumar taariikhi ah,” iyadoo ballan-qaaday inay casriyeyn doonto adeegyada, korna u qaadi doonto amniga, ayna xaqiijin doonto in dakhliga si hufan ugu soo xaroodo qasnadda dowladda federaalka.
Agaasimaha Guud, Mustafe Duxulow, ayaa sheegay in nidaamkani uu Soomaaliya la jaanqaadsiinayo heerarka caalamiga ah, halka Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, uu ku nuuxnuuxsaday in “dhammaan martida ajnabiga ah” ay qasab tahay inay hadda wixii ka dambeeya online-ka soo dalbadaan ka hor inta aysan imaan.
Laakiin Puntland ayaa si cad u diiday isbeddelkan. Dalabka Garowe ee ah fiiso gaar ah oo $60 ah marka la yimaado garoonka, kaliya kuma muujinayso inay maamusho xuduudaheeda, balse sidoo kale waxay calaamad u tahay diidmadeeda siyaasadeed ee ballaaran ee ay kaga horjeedo Muqdisho arrimaha la xiriira ismaamulka, wadaagga dakhliga, iyo awood-qaybsiga.
Hase yeeshee, dadka safarka ah, siyaasaddu muhiimad uma laha.
“Arrintu maaha cidda saxan iyo cidda khaldan,” ayuu yiri Keynaan. “Arrintu waxay ku saabsan tahay xuquuqda muwaadiniinta caadiga ah iyo qoysaska qurbajoogta, kuwaasoo si aan caddaalad ahayn lacag looga qaadayo sababo siyaasadeed awgood.”
Khilaafkan ayaa si gaar ah xasaasi u ah sababtoo ah inta badan rakaabka caalamiga ah ee Garowe yimaada waa reer Puntland oo ka soo laabanaya qurbaha. Halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen nidaamka dhijitaalka ah ee casriga ah ee dowladda federaalka, waxay ku qasbanaadeen inay laba jeer lacag bixiyaan—mar fiisaha elektarooniga ah ee $64 ah, iyo mar kale ruqsadda maxalliga ah ee $60 ah.
Dad badan, arrintani waxay ula muuqataa canshuur aan caddaalad ahayn oo lagu saaray daacadnimadooda iyo xiriirka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. Qoysaska bilooyin u soo keydsanayay lacag si ay u soo booqdaan eheladooda ayaa hadda waxaa lagu soo rogay kharashyo lama filaan ah iyo bahdilaad garoonka dhexdiisa ah.
Halkii ay mowqifkeeda ku xoojin lahayd, diidmada Puntland ee ah inay aqoonsato nidaamka federaalka waxay halis ugu jirtaa inay ka fogeyso dadkeeda—kuwaasoo lagu reebay inay qaadaan culeyska dhaqaale iyo midka dareen ee ka dhashay khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya Garowe iyo Muqdisho.