
Warar hoose oo soo baxaya , ayaa sheegaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu qorsheenayo in uu xilka ka qaado qaar kamid ah Golaha Wasiirradda maamulkiisa, gaar ahaan kuwa ugu miisaanka culus xukuumadda.
Xogaha aan heleyno, ayaa tilmaamaya in xubnaha wasiirada ee Madaxweyne Deni xilka ka qaadayo waxaa kamid ah Wasiirka Aarrimaha Gudaha iyo deegaanka, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) iyo Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Faroole , labadan wasiir ayaana kamid ah kuwa ugu magaca dheer Xukuumadda Puntland.
Sababta labadan wasiir xilalka looga qaadayo, ayaa lagu sheegay in ay ka dhega adaygeen in ay gobolka Nugaal ka fuliyaan rabitaanka Madaxweynaha ee dhinaca amniga iyo arrimo kale, sidoo kale looga shakiyay labadan wasiir in ay wadaan qorshayaal kale uusan ku qanacsaneyn Deni.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa wasiirradan marka uu xilka ka qaado kuna beddelaya xubno uu kamid yihiin Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hore xilal wasiirnimo u soo qabtay, hadana ah la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Deni.
Xogaha , ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni oo hadda jooga Boosaaso uu isku shaandheynta iyo xil ka qaadista sameyn doono marka uu dhawaan dib ugu laabto magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.