DENI oo shaacinaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka

1080

Guddiga Doorashooyinka heer Puntland ayaa lagu wadaa in 24 saac ee soo socota ay sii daayaan ilaa 10 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo doorashadoodu ay ka dhici doonto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kuraasta ay shaacinayaan Guddiga SEIT ee Puntland ayaa u badan kuwa kasoo jeedo goballada Mudug, Nugaal iyo Sool, kuwaas oo doorashadooda la qaban doono horaanta todobaadka soo socda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kuraasta la shaacinayo ay yihiin kuwo la diyaariyay Xildhibaanada kusoo baxaya, una badan wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa inoo xaqiijiyay Madaxtooyadda Puntland ay diyaarisay ergada dooranaysa kuraastan, kuwaas oo si gaar ah ay u soo xusheen xubnaha Siciid Deni uu la rabo kuraasta.