Denni oo saaka tagaya Shirkii Dhuusamareeb

1619

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waftiga Puntland ee Denni hogaaminayo ayaa kaga qayb galaya magaalada Dhuusamareeb wajiga labaad ee shirka wada tashiga madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada, waxaana lagaga hadli doonaa arimo badan oo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya, dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale khilaafka u dhaxeeya dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubno ka socda dowladda oo uu kamid yahay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladd goboleedyada qaarkood ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in uu bilaabmo shirku maanta kadib tagitaanka madaxweyne Denni.

Amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana maalintii shalay ay ahayd ka baaqday safarkiisa Dhuusamareeb madaxweyne Denni sababo la xidhiidha urur siyaasadeedkiisa KAAH oo qabsanayey shir weyne ay ku dooranayaan golle dhexe.