DF iyo Dowlad gobolleedyada oo Shir maalinta berri ah teendhada Afisiyooni ku dhaxmari doona

1142

Kaddib dadaallo maalmiihii ugu danbeeyayba ay waddeen wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in maalinta berri ah kulan hor dhac ka yeeshaan mashkaladaha ku xeeran doorashada madaxda DF, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Hasse ahaatee qoraal dhinaca kale xalay ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray mar kale madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir shir maalinta berri ah ka furmaya Afisiyooni.
Laakiin dhinaca kale qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu beeniyay sheegashada madaxtooyada Soomaaliya ee ah in shirka maalinta berri ah uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo.

Kulanka maalinta berri ay ayaa hor dhac u noqon doona shirweyne lagu waddo in lagu dhameeyo khilaafka ka taaggan doorashada heer Qaran ee Soomaaliya oo muddo dheerba aan lagu guuleysan.