DF oo caawa ciidamo badan soo dhoobtay qeybo ka mid ah Muqdisho +SAWIRRO

1317

Dowlada Soomaaliya ayaa caawa ciidamo gaaraya boqolaal askari soo dhoobtay qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo xaalada magaaladu ay kacsan tahay.

Ciidamadan oo u badan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa ku hubeysan gaadiid dagaal iyo qalab kale oo culus.

Meelaha la dhigay ciidamadan ayaa waxaa a mid ah nawaaxiga Isgoyska Km4, agagaarka Villa Somalia, wadooyinka soo gala taalada daljirka Dahsoon iyo meelo kale oo ka tirsan magaalada.

Gaadiidka shacabka ee magaalada dhex socda ayaa caawa aad u yaraaday cabsi awgeed, iyadoo inta badan goobaha ganacsiga xili hore la xiray, inkastoo meelaha qaar ay furan yihiin.

Shacabka magaalada Muqdisho oo caawa wadnaha farta ku haya ayaa dhegta ku haya warbaahinta, iyagoo mar walba isweydiinaya waxyaabaha ka soo kordhay khilaafka ka taagan banaanbaxa mucaraadku qorsheynayaan iney beri ka sameeyaan magaalada.