DF oo sii adkaysay cunaqabatayna ay kuhaysay Kenya

1304

Wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo wareysi bixiyay, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay mamnuucday in shirar lagu qabto caasimada Kenya ee Nairobi, xili ay kasii dareyso xiisada labada dal.

Wasiirka ayaa sheegay in shirarka ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucday in lagu qabto Nairobi ay yihiin kuwa quseeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha gar-gaarka Soomaaliya, oo hore loogu qaban jiray dalkaas.

Waxa kale oo uu xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in hay’adaha gar-gaarka iyo gurmadka kala duwan siiya Soomaaliya ay kasoo guuraan Nairobi, oo markii hore u aheyd xarun ay ka hagaan arrimaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Jamaal ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqaalihii badnaa ee ku bixi jiray shirarka Nairobi uu dib ugu soo noqday dalka, taasi oo uu sheegay inay shaqo abuur ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ad by Valueimpression
Sidoo kale waxa uu guul la taaban karo ku tilmaamay in hadda ay gacanta ku hayaan dhamaan hay’adda ka howl-gala Soomaaliya, maadama ay xarumahoodii Nairobi usoo rareen Muqdisho, midaasi oo dhaqan gashay saddexdii sano ee u dambeeysay, sida uu sheegay.

“Hay’addaha caawiya Soomaaliya waxay xarutooda aheyd Nairobi, waxaana dhaqaalo badan ka heli jirtay dowladda Kenya, hadey noqoto Siminaarada iyo shirarka ka dhacaya Nairobi oo ay ku bixi jireen malaayiin dollar,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Xukuumadda Soomaaliya waxay ku guuleystay inay hay’addahaas iyo dhaqaalahoodaba usoo wareejiso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Wasiirka qorsheyntu in sanad kasta ay wasaaraddiisu soo saarto buug uu ku qoran yahay gar-gaarka wadanka soo gala, kaasi oo cadeynaya gar-gaarka ay hay’adaha samafalka iyo Bangiyada ay siiyeen Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u amartay Hay’addaha ka caawiya arrimaha gar-gaarka ee xarumaha ku leh Nairobi ay usoo guuraan dalka, midaasi oo si rasmi ah u dhaqan-gashay sida uu sheegay wasiirka qorsheynta qaranka.

Arrintan ayaa sidoo kale qeyb ka noqoneysa xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, oo maalmihii u dambeeyay gaartay meel sarre, kadib markii ay dowladda iclaamisay dagaal ka dhan ah xukuumadda Nairobi, oo ay ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.