DF Soomaaliya oo gargaar deg deg ah ku wareejisay Puntland, Somaliland+SAWIRRO

2009

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dawladda Soomaaliya ayaa ku wareejisay gargaar loogu talogalay cudurka Corona (COVID-19), gaar ahaana ka hortaga iyo diyaar garowga ay ugu jirto Soomaaliya dawlad gobaleedyada dalka.

Gargaarkan Caafimaadka ayaa ahaa midkii uu keenay Maalqabeenka u dhashay dalka Shiinaha ee Ali Baba, waxaana ay dawladda Faderaalka, gaar ahaana wasaaradda Caafimaadku maanta ku wareejisay dawlad gobaleedyada oo ay ugu horeyaan Puntland & Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qeybinta qalabkan caafimaad uu yahay bilowga koowaad, si deg deg looga hortago musiibada sii faafaysa ee caabuqan uu keenay.

Waxaana warkan lagu sheegay barta Facebookga ee wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Soomaaliya, iyadoo sidaas oo kale la xaqiijiyey in la gaarsiin doono dhammaan dawlad gobaleedyada oo dhan si looga hortago fiditaanka caabuqan oo aduunyada oo dhan la welwelsan tahay.