DF Soomaaliya oo war ka soo saartay qaraxii guriga taliye Shub.

11

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay beegsiga guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), iyadoo sheegtay in baaris dhab ah ku sameynayso dhacdadan.

War-saxaafadeed lasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi, iyadoo sheegtay in xogaha horudhaca ah ee ay helayaan hay’adaha amniga muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.

Dowladda ayaa sheegtay inay si degdeg ah u magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan dhab ah oo dhammaystiran ku sameeya dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.

“Degmada Doolow waxay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ka digtay in aan lagu kadsoomin warar ay ku tilmaamtay been abuur, kuwaas oo ka hordhacaya baaritaanka, isla markaana loogu tala-galay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay wasaaradda.

“Dowladda waxay caddeynaysaa in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka marka uu soo dhammaado,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa imanaya xilli maamulka Jubaland uu Dowladda Federaalka iyo Turkiga ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeyn uu sheegay in lala beegsaday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Jubaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay taliye Shub u bartilmaameedsatay kaliya inuu ka aragti duwanaaday dhinaca siyaasadda.

Maamulka ayaa sidoo kale wuxuu Qaramada Midoobay ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu eegto go’aankii Soomaaliya lagaga qaaday cuna-qabateynta hubka, “inta laga helayo dowlad mas’uul ah iyo gacmo lagu aamini karo hubka ay dowladaha caalamku ugu deeqayaan Soomaaliya.”