DFS oo baareysa in Aidarus Al-Zubaidi la soo mariyey Muqdisho

80

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday baaritaan la xiriira suuragalnimada hawada iyo garoommada Soomaaliya loo adeegsaday socdaalkii uu Yemen uga soo baxsaday hoggaamiyaha golaha isbahaysiga Yemen (STC), Aidarus Al-Zubaidi , kaddib markii warsaxaafadees ka soo baxday isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiye ee Yemen, lagu sheegay in la adeegsaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si hoggaamiyaha STC loo geeyo Abu Dhabi.

Warsaxaafadeedka ay sii deysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dawladda Soomaaliya ay si cad oo joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan in wadahadal dhinacyada koonfurta Yemen ah lagu qabto Riyadh, iyadoo war saxaafadeedka uu intaa ku daray;

“Isku day kasta oo uu Cidarus Al-Zubaidi ku doonayo inuu ka leexdo geeddi-socodkan oo ay ku jirto taageero dibadeed oo la sheegayo waxay si toos ah uga hor imaanaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, Haddii baaritaanku xaqiijiyo warbixinadan, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xuseysaa in falalkan ay sidoo kale ka dhigan doonaan jebinta heshiisyada laba-dhinac ee khuseeya iyo xadgudubka mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee nidaaminaya dhaqdhaqaaqa sharciyeed ee dadka.”

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA