Dg deg:- Badda oo ku fatahday qeybo kamid ah gobalada Mudug & Bari Ee Puntland

1865

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo & Boosaaso ayaa sheegaya in qeybo kamid ah gobaladaas, gaar ahaana Boosaaso & deegaanka Kulub ay Baddu ku fahahday oo ay gudaha biyuhu u galeen xaafadaha qaarkood.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland waxay biyuhu soo galeen qeybo kamid xaafaddaha magaalada Boosaaso, sidaas oo kale deegaanka Kulub ee deegaanka Garacad biyaha ayaa kasoo durkay meeshii ay kusugnaayeen.

Dad badan ayaa ka cararay deegaanada Xeebaha kuyaala ee gobalada Puntland, waxaana cabsi laga qabaa duufaano soo wajaha deegaanadaas.

Warar laga helay xagga saadaasha Hawada ayaa sheegaysa in ay jiraan duufaano soo wajahan, waxaana muuqata in ay saameyn badan ka dhalanayso arrimahan.

DIGNIIN: Dadka ayaa loogu baaqayaa in ay ka baxaan aagaga Xeebaha iyo goobaha Biyuhu maraan.