Deg deg Duqa Cusub Ee Muqdisho oo ku dhawaaqay Hadal ka farxiyay Shacabma Muqdisho.

1797

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay Ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqalka D/Hoose, ee Muqdisho Taasoo uu xilka kula wareegayay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Guddoomiyaha ayaa i rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle.

Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka

Sidoo kale ayuu tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda.