Dhaawaca Injineer Yariisow oo diyaarad khaas ah lagu qaaday+SAWIRRO

1735

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa goordhow ka duushay diyaarad sida dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qarixii Xarunta Gobolka ee shalay.

Diyaarada oo ah mid milatari ayaa waxaa Soomaaliya u soo dirtay dowladda Qatar, waxaana xubnaha kale e dhaawaca ah oo ay qaaday ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo xubno kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyada kasii sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyaga oo caafimaad u rajeeyay mas’uuliiintaas.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ay tahay mid soo hagaageysa markii loo eego shalay, waxana xalay laba qaliin loogu sameeyay Ex-Digfeer ee Magalada Muqdisho.