Dhaawacyo laga keenay Beledxaawo oo Muqdisho lakeenay +SAWIRRO

1440

Kuwaad ku dhawaad 20 ruux oo u badnaa dad rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalkii Beled-Xaawo ayaa saacadihii ugu danbeeyay la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa intooda badan qaba dhaawacyo culus oo ka soo gaaray madaafiicdii iyo rasaastii leysku weydaarsaday dagaalka, waxaana inta badan dhaawacyadan la dhigay isbitaalka Madiina.

Dagaalka ayaa dadka maalintii shalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa ilaa siddeed carruur ah oo shan ka mid ah isku qoys ahaayeen halka saddexda kalana ay ka soo jeedeen hal qoys.