Dhagax lagu qiimeeyay $100 milyan oo laga helay God Ceel laga qodayay

1526

Shaqaale qodayey ceel biyood ayaa si lama filaan ah u helay dhagax malaayiin dollar lagu qiimeeyay, waxaana dhagaxan baaris lagu sameeyay kadib la ogaaday in uu yahay nuuca loo yaqaan ”Serendipity Sapphire” .

Masuuliyiin katirsan dowlada Sri Lanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhagaxan qaaliga ah laga helay deegaanka Ratnapura, waxaana dhagaxan laga helay god ceel laga qodayay sida masuuliyiinta sheegeen.

Koox khuburo ah oo baaris ku sameeyay dhagaxan la helay ayaa sheegaya in dhagaxan uu yahay 510 kilogram midabkiisuna uu yahay buluug , waxaana dhagaxan lagu qiimeeyay aduun lacageed oo gaaraya 100 milyan oo dollar.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN