DHAGAYSO:-C/raxmaan C/shakuur oo horyimid in loodiido in hub lagalaan Airporka

1472

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aan kasoo baxay Wasaarada Amniga dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ku sheegtay in aanan garoonka diyaaradaha lala geli karin wax hub ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa go’aanka Wasaarada Amniga ku tilmaamay caddaalad darro iyo culeys saar.