DHAGAYSO:-Cabdi weli Gaas oo taageeray Rooble

1390

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble iyo madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo waa isku khilaafsanyihiin shaqo-joojinta xalay xili dambe uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sameeyey taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka NISA.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in arrintaan oo dhan laga baaqsan karay marka la eego xaalada uu dalka kujiro , isla markaana la aado doorasho dalkana lagu hago si xasilooni kujirto.

Cabduweli Gaas oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in warbaahinta la isaga jawaabo, hayeeshee Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn waddo kale uu wax ku maareyn karay, waxaana Gaas uu taageeray go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha uu Shaqada uga joojiyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in marka hore ay aheyd in Fahad Yaasiin uu warbixinta kiiska Ikraan Tahiil uu sigaar ah ugu gudbiyo Ra’iisul Wasaaraha kana codsado in uu u ogolaado in uu la wadaago Golaha Amniga Qaranka.