DHAGAYSO Ciidamada Yuusuf Dabageed oo la wareegay Beledweyne

1582

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Yuusuf Dabageed ay la wareegeen inta badan magaalada, kadib markii uu diiday xil ka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabelle.

Ciidamada daacadda u ah Dabageed ayaa gacanta ku dhigay xarunta maaliyadda maamulka Beledweyne iyo dhammaan koontaroolada laga galo magaalada, oo ay hadda si buuxda u maamulayaan.

Gudaha magaalada ayaa sidoo kale lasoo dhoobay ciidamo dheeraad ah oo daacad u ah Dabageed.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Arrinta ugu weyn ee Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne toos loogu shubo Bangiga maamulka HirShabeelle oo isaga uu maamulo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto.