DHAGAYSO:-Dabageed waxaan qabanynaa doorasho kawanaagsan kuwa maamulada kale

873

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay maamulkooda inuu qaban doono doorasho hufan oo lamid ah middii aqalka sare ee ka dhacday Jowhar.

Madaxweye ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in socdaalka uu madaxweyne Cali Guudlaawe ku joogo magaalada Baladweyne uu qeyb ka yahay in doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Dhinaca kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan dhibaato u arag imaanshaha uu Baladweyne tagayo la taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin.

Dabageed wuxuu sheegay in ay jiraan dad si qaldan uga turjumaya safarka Fahad Yaasiin ee magaalada Baladweyne  isagoo sheegay inuu kamid yahay dadka Baladweyne u tagaya arrimaha doorashada aqalka hoose.

“Baladweyne 25 kursi ayaa yaala. Kursigiisa kuraastaas ayuu kamid yahay ee ma jirto kursi uu Fahad gaar u leeyahay, haddii qabiilkiisu doorto xildhibaanuu noqonaa. Wax kaloo dhibaato ah oo la buunbuniyo ma jiraan,” ayu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa ku dhaleeceeyay siyaasiyiinta mucaaradka in aanay ka hadlin doorashooyinka meelaha qaar ka dhacaya ee laga cabanayo. taas beddelkeedna ay ku mashquulaan doorashada Hirshabeelle.