DHAGAYSO:- Degmooyinka laga soo qaado weerarada hoobiyayaasha oo la ogaaday

1477

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday degmooyinka ay rumeysan yahay in laga soo tuuro hoobiyeyaasha lagu beegsado xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyinkaas ay yihiin Wadajir, Dharkanley iyo Kaxda.

Tuulax ayaa sheegay in dhowr jeer saddexdan degmo ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayna iminka wadaan howl-gallo amingooda lagu xaqiijinayo, loogana hortagayo falal amni darro oo ay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Tuulax ayaa hadalkan sheegay xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka saddexda degmo Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Toddobaadyadii dhowaa, waxaa kordhay weerarada hoobiye ee Al-Shabaab ay ku beegsaneyso xarunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde, ayada oo mararka qaar ay toddobaad gudihiis fuliyeen laba ama saddex weerar.

Dhinaca kale, Tuulax ayaa ugu baaqay laamaaha amniga Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga, islamarkaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga.