DHAGAYSO:- Hooyadii Dhashay Gabadhii Yarayd ee lagu dilay Gaalkacayo oo hadashay

1708

Saynab Cabdiwahaab oo ah hooyada dhashay Gabadhadii Yarayd ee kufsiga iyo dilka loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixisay sida u falkani u dhacay.

Waxay sheegtay inay shalay Aroortii Hore ay Wayday Gabadheeda, Iyadoona Saaka markii uu Waaga Baryey Gabadha Meydkeeda lasoo Dhigay Xaafada Agtooda.

“Gabadha Madaxa ayaa laga dilay, Ilkaha ayaa laga Qubay, Rag badan ayaa Kufsi u gaystay ayaan filayaa, Waana Qadar alle mana filayo inay jirto wax Aano ah ama dad dhibaato naga dhaxaysay” Ayay tidhi.