DHAGAYSO Nabad iyo Nolol oo kajawaabtay Hadalkii C.raxmaan C.shakuur

1692

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay eedaha ah in amaankii dalka uu faraha ka baxay, waxa ayna sheegtay inay har iyo habeen ka shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

Hadalkan ayaa waxa uu imaanaya kaddib shir jaraa’id oo uu shalay magalada Muqdisho ku qabtay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadajir ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur,isla markaana uu ku sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hay’adaha Amniga iyo Dakhliga dalka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadam Isaaq ayaa sheegay in amniga dalka uusan xilligaan aheyn sida Siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan,isla markaana uu aad uga xumaaday hadallada qaarkood ee kasoo yeeraya siyaasiyiinta.

“Waxaan aad uga xumahay dad sheeganayaa mucaraad inay sheegaan warar noocaan oo kale ah waana kuwa dhiiragelinaya Al-Shabaab, sidoo kalena niayadjab ku abuuraya shacabka,shaqsiyaad ku dhexjira dowladda inay hadalkaasi sheegaan ay tahay gef iyo mas’uuliyad darro” ayuu yiri Wasiir Aadam Isaaq.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliyeed,hayeeshee hadalllada qaar looga wanaagsanaa in aan Shabaab lagu dhiiragelin waa sida uu hadalka u dhigay.