Dhagayso:-Nin Soomaali ah oo Wasiir ka noqday Tanzaaniya

1120

Siyaasi asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse ku dhashay dalka Tanzaaniya ayaa loo magacaabay in uu kamid noqdo golaha Wasiirada ee dowlada ay hogaamiso Madaxweyne Samia Suluhu .

Madaxweynaha Tanzaaniya ayaa isku shaandheyn ku sameesay golaheeda wasiirada, waxa ayna meesha ka saartay wasiiro damac uga jiro in ay isku soo sharaxaan xilka Madaxweynaha doorashada dhaceysa 2025.

Wasiiradda cusub ee magacawday Madaxweynaha Tanzaaniya waxaa kamid noqday Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay wasiirka wasaarada beeraha ,waxa uuna siyaasigan Soomaaliyeed horey u ahaa wasiir kuxigeenka wasaaradaasi.

Muwaadinkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee loo magacaabay Wasiirka beeraha Xuseen Maxamede Baashe ayaa 26-kii August sanadkii 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi si weyn looga yaqaan Tanzaaniya sidoo kale ah ganacsade weyn.

Xuseen Maxamed Baashe, oo isaga oo dhalinyaro ah ku biiray siyaasadda dalka Tanzaaniya kana tirsan xisbiga talada haya ayaa sidoo kale ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Tanzaaniya, waxa uuna horey usoo ahaa Wasiir kuxigeenka wasaarada beeraha.