DHAGAYSO:-Soomaaliya oo diiday in Midowga Afrika dhex-dhexaadiso iyaga iyo Kenya

1230

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan dhex-dhaxaadinta ah uu isku deyey ururka Midowga Afrika, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin inay gorgirtan ka gasho taako dhuleed oo ay xaq u leedahay.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda.

“Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hadda dib loo furay labadii safaaradood, isla markaana ay iska dhamaa doonaan waxyaabaha la kala tabanayo.

“Waa jiraan waxyaabo badan oo Kenya aan ka tabanay oo ugu dambeyn nagu kalifay inaan xiriirka u jarno, hadda Kenya waan wadahadalnay kulamo badana waan isugu tagnay, waxaana ku heshiinay in waxyaabihii keenay in xiriirku go’o si run ah oo qota dheer loo galo, arrintaasna si fiican ayey noogu socotaa, labadii safaaradoodna waa la furay hadda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.