Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur” oo horey u ahaa ku xigeenkii ururka Al-Shabaab oo bishii Decsember sannadkii 2018-ka ay dawladda Soomaaliya ka hor istaagtay inuu u tartamo hoggaanka maamul goboleed goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bixiyey waraysigiisii ugu horreeyey.
Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-ka ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jray xabsi guri.
Mukhtaar Roobow waxa uu lasoo xiriiray idaacadda VOA, waxaana waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Haaruun Macruuf.
Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.