DHAGAYSO:-Wasiirka Amniga oo ka hadlay ciidanka la geeyey Beledweyne

868

Wasiirka gaashaandhigga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxana uu sheegay in Maamulka Hirshabelle aysan ka codsan dowlada in la geeyo ciidamo magaalada Beledweyne.

Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay qalad tahay in maamulada dowlad goboleedyada ay ka codsadaan ciidamo taliyaasha ciidamada.

“Ma aha in Madaxda maamul goboleedyada ay ka codsadaan taliyaasha ciidamada askar waxa ay tahay wadada saxda ah inay la soo xiriiraan ra’iisul wasaaraha kadib ayuu wasiirka gaashaandhigga kala hadlayaa arrimaha ciidamada.”ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay dalka taasoo ah mas’uuliyad wadareed isagoo ka jawaabay tallaabada ay qaadayaan haddii aan laga soo saarin ciidamada magaalada Beledweyne.

“Ciidan badan in xilligan la geeyo magaalo doorasho ay ka dhacayso ayna ka jirto xasarado siyaasadeed in ciidan badan lagu sii kordhiyo ma habboona waxana aan u mari doonaa habraaca saxda ah sidii dib loogu soo celin lahaa xarumahooda ciidamada.”ayuu sii raaciyay wasiirka oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ah ee VOA.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa wareysiga ku sheegay inay ka shakiyeen sida dhaqsiyaha ah ee ciidamada loogu daadgureeyay magaalada Beledweyne iyadoo aan sahaydooda la soo marsiin wasaarada gaashaandhigga iyo hay’adaha la xiriiray.

“Dowlada waxaa ku culus in si dhaqso ah ciidamo loogu daadgureeyo magaalo kale waxna ay qaadataa muddo si sahaydooda iyo miisaaniyaa ku baxayso loo diyaarin lahaa hase yeeshee,ciidanka la geeyay Beledweyne miisaaniyadii loogu talogalay iyo sahaydii ciidamada ay xaqa u lahaayeen lagama dalban wasaaradaha ku howsha leh sidaa ayaana keenay shakiga.”ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha ka soo cusboonaaday suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka kaasoo ganacsatada suuqaasi ay soo wajahday xaalad amni darro, waxana uu sheegay in lagula xisaabtami doono mas’uuliyiiinta cidda mas’uulka ka ahayd in uu dayacmo suuqa bakaaraha.

Hase yeeshee, taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegey in ciidamadii shaley la geeyey magaalada Beledweyne ay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.,maadaama ururka Alshabaab ay halis ku yihiin amniga magaalada Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay magaalada ka dhacdo.