DHAGAYSO:-Xildhibaan Abuukaate qaraxyadaan dhacaya dowlada raali ayay katahay

1748

Maalmihii la soo dhaafay waxaa xumaaday amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana ka dhacay in ka badan 10 qarax,kuwaas oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dad Shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Federaalka.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dowladda ay xirtay wadooyin farabadan oo ku yaalla Muqdisho,sidoo kalena qaarkood ay ku adkaato Xildhibaanada inay maraan,balse qaraxyo ay dhacayaan.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayuu sheegay inaysan jirin cid mas’uuliyada amniga Caasimadda xil iska saareysa.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in sidoo kale aysan jirin cid lagula xisaabtamayo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya Magalada muqdisho,isla markaana istiraatiijiyada Amniga sidii ku habeeneyd aan loo marin.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay kula xisaabtami doonaan Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.