DHAGAYSO XILDHIBAAN FIQI ” WARBAAHINTA DOWLADDA AYAA DACWAD KA GUDBINEYNAA”

1734

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi oo ka hadlay kulankii shalay su’aala weydiinta ahaa ee fadhiga golaha shacabka ay ku hor tageen wasiirrada amniga iyo duulista hawada ayaa warbaahinta Qaranka ku eedeeyey inaysan sidii wax u jireen u soo tabin, maadaama iyaga oo kaliya warbaahinta looga ogolaa kulanka.

Fiqi oo u waramayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay faaf reeb lagu sameeyey su’aalihii ku wajahnaa wasiirrada iyo sidoo kale jawaabihii ay bixinayeen, isagoo xusay in xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo kaliya su’aalahoodii la baahiyey intii kalena la iska reebay, waxuuna ku goodiyey inay taas kula xisaabtami doonaan.

“Kulan adag oo taariikhi ah ayuu ahaa oo sidaa ogtihiinba loogu yeeray wasiirada amniga iyo duulista hawada oo lagu weydiinayey su’aalo tira badan oo shacabku ay qabaan oo howlahooda la xariira.

“Waxaa la weydiiyey xubnahaas su’aallo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka dhex guuxayey, gaar ahaa cuna qabateyntii Kismaayo, madaxweynayaashii safaradooda laga celiyey iyo howlaha amniga oo dhan, sida dilka guddomiyihii gobolka iyo kii gabadhii Almaas Elman ayaa la weydiinayey, waxaana ayaan darro ah in warbaahintii qaranka oo ku shaqeynaysa canshuurtii shacabka aysan maanta baahin kulankaas muhiimka ah” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dhacadadii maanta oo dhamaan ay dadku dameynayeen in warbaahintii dowladda ay soo baahi weyso nuxurka dhacdadii ka dhacday hey’addii ugu weyneed dowladda, waxay tirmaan muuqata u tahay sida dalkan uu gacanta ugu galay kaligii talis”.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weriyaha uusan waajib ka saareyn inuu faaf reeb ku sameeyo hadalka xildhibaanka, maadaama hadii dhib ka yimaado uusan shaqo ku laheyn weriyuhu ee qofkii yiri uu ka jawaabayo khalad ka dhaco, isagoo sheegay in warbaahinta madaxa banaanba aysan kala reebin hadalada masuuliyiinta wax dhiba oo uga yimaadana aysan jirin.

Ugu danbeyntii Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay dacwad ka gudbi doonaan warbaahinta dowladda, sidoo kalena ay baarlamaanka hor geynayaan maadaama ay ku shaqeeyaan canshuurta shacabka laga qaado.

“Aniga iyo xildhibaano kale waxaan dareen weyn ka qabnaa arintaas waxaana gudbi doonaa dacwad ka dhan ah warbaahinta dowladda, sababta aan u dacweynayno oo golahana aan u hor geynayno waxay tahay canshuurta shacabka ayey ku shaqeysaa inay ugu adeegto ayeyna aheyd, laakiin madaxda kaliya inay u adeegaan oo wararka u fiican kaliya tabiyaan ka yeeli mayno waana la xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.