DHAGAYSO:- Xildhibaanno ku kala qeyb samay jawaabtii Somalia ee Kenya

2088

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kka hadlay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay go’aankii Kenya ay dalbeeda kaga soo saartay Safiir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay Muqdisho kusoo laabtay.

Xildhibaanada ayaa qaarkood waxay go’aankaasi u ku amaaneen hal qodob oo ah inuu yahay mid muujiyay biseyl diblomaasiyadeed, halka qaarkoodna ay u arkeen inuu ahaa mid jilicsan

Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan xukuumadda ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid diblomaasiyadeed oo muujinaya biseyl siyaasadeed.

Sidoo kale xildhibaan Warfaa ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo labada dhinac u dhaxeeya, isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan marnaba gogortan ka galeynin taako kamid ah dhulka Soomaaliya.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xubnaha dhaliilsan xukuumadda ayaa sheegay in aad u dhaliilayo go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay hadalkii dowladda Kenya, hal sabab darteed.

Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ku xad gudubtay dhulka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku dhawaaqday hadal xanaf ah oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba taabanayay, balse dowladda looga baahnaa in jawaab kulul ay siiso, taasi oo aan dhicin.

DHAGAYSO CODKA XILDHIBAAN SAKARIYE

DHAGAYSO CODKA XILDHIBAAN SADIIQ WARFAA