DHAGAYSO:-Xundubay oo diiday xilkaqaadistii lagu sameeyay

1018

Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’

“PM Rooble, asaga ayaa Wasiirada ku yiri: cid xil kama qaadi kartaan, waayo, waa kala guur, waddankuna waxa uu galay doorasho, marka ha ku dhaqmo xeerkii uu asagu golihiisa wasiirada ku dhaqayay,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Waxa uu intaas ku daray “PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!”

Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey.

Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo.