DHAGEYSO: Ahlu sun oo kahadashay xildhibaano kulan laga hor istaagay

1852

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ayaa ka hadlay is hor istaag dhawaan lagu sameeyay xildhibanadda Ahlusuna Waljameeca ku matalaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in arintaas aysan sameyn ku yeelan doonin dhankooda.

Waxa uu sheegay in heshiiska Dowlada iyo Ahlusuna uu dhigayo in 20-xildhibaan ay ka yimaadaan dhanka Ahlusuna,balse ishor istaagii lagu sameeyay ay rajeynayaan in kulan guud loogu badalayo.

Arintaan ayaa imaanaysa, xilli Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, ay is hortaag ku sameeyeen kulan ay magaaladaasi ku lahaayeen Ahlu Sunada Galmudug.