DHAGEYSO: Askari Shacabka ka qaadaayay lacag baad ah oo la xiray

1532

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay xireen Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasoo dhawaan kasoo dhex muuqday Baraha bulshadda xilli uu dadka ka qaadayay lacag baad ah.

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in Askariga lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Xasan in Ciidanka ay soo xireen ka dib markii uu qof Shacab ah ka qaaday lacag baad ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay xiran yihiin ku dhawaad 30 isugu jira Saraakiil iyo Askar loo heysto eedeymo ka dhan ah Musuq maasuq.

Ninkaan ayaa waddo ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ku joojiyay gaari uu watay qof Shacabka ah, ka dibna waxaa uu weydiiyay aqoonsigiisa, markii uu sheegay in uusan waddana waxaa uu ka qaatay lacag laaluush ah.