Dhageyso–Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne+Sawirro

1708

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dadweyner farabadan ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne.

Dadkaas oo u badan Haween iyo Caruur ayaa isugu soo baxay intooda badan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ee Magalada Baladweyne,iyaga oo ka cabanaya in deeq raashin ah oo la keenay Magalada la musuq maasuqay.

Qaar ka mid ah dadka ayaa baanbaxa ka hor-dhigay bakhaaro ay sheegeen in lagu xareeyay raashin deeq ah oo ay dowladda Sacuudiga ugu talo gashay dadka Reer Baladweyne .iyagaa oo sheegay in dadka qaarkood la siiyay raashinkaas dadna aan weli lasiin.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayay ka codsadeen in cabashooda uu tixgeliyo,isla markaana raashinkii loogu talo galay dad gaar ah ay leexsadaan waxana uu ka qabto.