DHAGEYSO: Batuulo Gabale Fara gelin Ayaa waxa Nagu Haya

1674

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa waxay ka hadashay Dib udhac ku yimid Doorashadii Ururkaasi oo la qaban lahaa dhawaan.

Shir Saxaafadeed Ay Ku Qabatay Muqdisho Maanta Batuulo Gabale ayaa tibaaxday in bisha soo socota 1-deeda la filayo in ay dhacdo balse Fara gelin qaawan la sameeyey ay dib udhigtay.

Waxay Batuulo meesha ka saarin in Doorashooyinka Maamulada Qaar ka dhacay iyo kuwo kusoo fool leh Ee Maamul gobolleedyada ayaana lasoo warinayo inay saameysay.

Batuulo gabale waxay sidoo kale xustay in Mas’uuliyiin sar sare iyo Xildhibaano ay ka qeyb yihiin kuwa fara gelinta ku haya sida ay tiri.