DHAGEYSO: C/raxman C/shakur dowlada dadka hala tashato

1591

Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxaman Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay khilaafka Siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Siyaasiga ayaa sheegay in xiisadaas dejinteeda ay ku wanaagsan tahay in loomaro hab raac wanaasgan oo Siyaasadeed,hayeeshee aan loo marin aflagaado iyo hadalo xanaf ah oo xiisada sii xoojin kara.

Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in markii ay yimaadaan arrimaha masiiriga ayh ay wadatasho kala sameyso,Xisbiyada iyo Maamulgoboleedyada,hayeeshee dowladda uu uga digay inay go’aan kaligeed gaarto.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sidoo kale ugu baaqay in aan dowladda cadaadis lagu saarin xiisada kala dhaxeysa Dowladda Kenya,balse wax walba wadatashi lagu sameeyo.