Daawo:-Cumar Filish”Dad aan aqaan oo dibadda ka imaan ayaa u dhintey Coronavirus”

1732

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxa uu maanta ka dhawaajiyey in dad badan uu yaqaanay ugu dhinteen Dalka Cudurka Corono.

Waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo la il daran Cudurka taas oo wer wer ka qabaan in Cudurka uu Magaalada Dadkeeda kusii faafo.

Isagoo ka hadlayey Dhagax dhig uu Cumar Filish Maanta ka sameenayey Degmada Warta Nabada ayuu shaaciyey inay jiraan Halis Caafimaad uu dareemayo,dadkana ugu baaqay inay feejignaadaan.

Waxa uu Shacabka ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan,oo aysan Warkiisa beensan,isagoo sheegay in dad badan Cudurka la jiifaan Xarumaha Caafimaadka.

Waxaa la sugayaa Warbixinta Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya soo bandhigto maadaama Hal Kiis la og yahay balse Duqa Xamar uu shaaciyey in dad badan Cudurka Ku dhacay ay Gudaha Dalka ugu dhinteen uuna yaqaanay dadkaasi.