Maamulka Galmudug Garabka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay inay dib ula midoobayaan Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee fadhigiisa uu yahay Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Maadxweyne Ku-xigeenka maamulka galmudug garabka Madaxweyne Xaaf, Sheikh Ibraahim Sheikh Xuseen Guureeye, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada-hadal haatan u socdo hogaanka Ahlusuna iyo Maamulka Xaaf.
Waxa uu sheegay in Maamulka galmudug uu haatan u dhimeystiran yihiin awoodihiisa,islamarkaana doorashadda Dowladda Federaalka Somaaliya ay kawado Magaaladda Dhuusa-mareeb ay tahay mid Dhanka kale Sheikh Ibraahim Sheikh Xuseen Guureeye ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo cida Madaxweyne u noqon doonto Galmudug,madaama Shiikh Shaakir lagu doortay Dhuusa-mareeb,halka Xaaf uu sheegay in Maamulka sii hogaamin doono ilaa 2021-ka.