DHAGEYSO: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo weerar afka ah kuqaaday Beesha Caalamka

1905

Hoolka Dacwad Qaadista Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Oo Loo Dhisay Qaab Casri Ah Islamarkaana Lamid Ah Kuwa Caalamka Ayaa Maanta Laga Daah furay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaliya.

Hoolkani Oo Si Casri Ah Lo Qalabeeyay Una shaqaynaya si heer sare ah lehna xafiisyo kala duwan oo aad lo qalabeeyay ayaa waxaa daah furkiisa ka qayb qaatay mas’uuliyiin ay qayb ka ahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka, Iyo Mas’uuliyiin Kale.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed Oo Xaflada Xarig kajarka ah ka hadlay ayaa ku amaanay maxkamada racfaanka shaqooyinka ay qabatay iyo hirgalinta hoolkani cusub ee loogu tala galay dacwad qaadista waxaa uuna tilmaamay in ay tani qayb kla tahay hormarada kala duwan ee uu dalka samaynayo

Sikastaba Ha’ahaatee Hoolka cusub ee dacwad qaadista oo ay maanta muqdisho ka daahfurtay maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaysa hormaro ay mudooyinkii danbe ku tallaabsanaysay maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir.