Dhageyso: Kheyre Oo Lagu eedeeyay Inuu Ku Fashilmay Xal Ka Gaarista Galmudug

1599

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in DFS ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo.

Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay DFS iska indho tireyso arrintaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug.