DHAGEYSO: Sarkaal Macawisleyda ka tirsan oo looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab

1664

Hay’adaha Amniga Gobalka Hiiraan ayaa laga dalbaday inay gacanka ku soo dhigaan Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Macawisleyda kaasi oo lagu eedeeyey in uu Xiriir la leeyahay Al-shabaabka ka Dagaalamay Deegaanada Gobalkaasi sida ay sheegeen Xubno ka tirsan Maamulka Deegaanka Farlibaax ee Gobalka Hiiraan.

Horjooganaa ayaa la sheegay in Colaadka dhex abuurayo Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM iyo Shacabka Deegaanada Gobalka Hiiraan gaar ahaan Xududa Soomaaliya iyo Itoobiya halkaasi oo la sheegay inay Shaqaaqooyinka dhaceen.

Mustaf Cali aadan oo ka mid Maamulka Deegaanka Farxlibaax ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga Gobalka ay ku Wargaliyeen in soo qabtay Xubnaha Sheegtay inay yihiin Hogaanka Maleeshiyaadka Macawisleyada Gobalka Hiiraan kuwaasi oo ku eedeyey inay Markaan Al-shabaab la safteen Islamarkaana sameeyey falal iska Hor keenaya Shacabka iyo Ciidanka AMISOM Gobalkaaasi

Kooxda Macawisleyada Gobalka Hiiraan ayaa sheegtay inay Dileen Askar ka tirsan Ciidanka Itoobiya balse shaqiyaadkaas ayaa lagu eedeyey inay markaan Al-shabaabu shaqeeyaan islamarkaan ay iska Horkeenayaan Dadka shacabka Gobalka iyo Ciidanka AMISOM.