Dhageyso-Yariisoow waxaan si adag Bajaajlayda uga codsanayaa inay is diiwaan geliyaan

1552

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo warbaahinta xalay kula hadlay Magaalada ayaa waxaa Digniin u diray Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo dadka kale ee leh gaadiidka Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa marka hore sheegay in Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ee Magaalada ku dhexmara Ciidamada Ilaalada u ah looga baahan yahay inay mas’uul ka noqdan Ciidankooda,isla markaana xiliyada ay marayan baraha Koontaroolada ay isku sheegaan Ciidanka amniga.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in lala xisaabtami doono Mas’uuliyiinta Ciidamada gaarka wata ee sida sharcida darrada ah isaga fura rasaasta,kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaarto shacabka kunool Caasimadda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Digniin u diray Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo dadka kale ee leh gaadiidka Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Guddoomiye Yariisow dadka aan gaadiidkooda diiwaan-gishnayn inay is diiwaangeliyaan,isla markaana waxaa uu sheegay in Ninkii aan gaadiidkiisa diiwaan-gishnayn ee fal lagu geysto inuu isaga Mas’uul ka yahay.

Halkaan uu xalay jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadyaaa,iyadoo shalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax khasaaro geystay,sidoo kalena Ciidamada amniga iyo ragg hubeysan oo watay dharka Ciidanka ay israsaaseyn ku dhexmartay Magaalada,taasi oo geystay Khasaaro kala duwan.