Dhalinyaro laga soo tarxiilay Turkiga oo weerartay Shaqaalaha Diyaarada Turkish Airlines

1559

Dhalinyaro Soomaaliya oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga laguna soo celiyay magaalada Muqdisho ayaa saakay weeraray shaqaale katirsan shirkada Diyaaradaha Turkish Airlines xili diyaarada ka dageysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay in ka badan 20-dhalinyaro oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Turkiga ayaa weeraray qaar kamid ah shaqaalaha diyaarada , waxa ayna dhaawac gaarsiiyeen madaxii shaqaalaha diyaaradaasi oo isbitaal la dhigay.

 

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa ka careesnaa in laga soo celiyo dalka Turkiga ay kunoolaayeen kuwaa oo qaarkood la qabtay xili ay isku dayayeen tahriib halka kuwa kalana la sheegay in sharciga ka dhacay.

Ciidamada booliiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo lagu wargaliyay falka ay ku kaceen dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay la dageen ayna su’aalo ku weediinayaan saldhiga booliiska ee ku dhax yaala garoonka.

Falkan ay ku kaceen dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado rakaab diyaaradan Turkish Airlines saakay ka qaadi garoonka Aadan Cadde, mana jiro ilaa hada war dowlada Soomaaliya iyo shirkada Turkish Airlines arintan kasoo saareen .