Dharbaaxo : Martial Oo Seegaya Kulanka United Iyo Tottenham Ee Horyaalka Ingiriiska

1818

Sky Sport ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahahnka United ee Martial uu seegayo kulanka caawa ee ay la ciyaarayaan Tottenham sababa la xariira dhaawac haya

Kulankaas oo ka dhacaya qalcadda Old Trafford ayaa ka tirsan wareegga 15-aad ee horyaalka Ingiriiska , waxa ay United galayaan iyaga oo bar ba dhac wata kulankoodii ugu dambeeyay ee Aston Villa

Xiddigaan ayaa asaasi ka ahaa shaxda United waxa uuna dhaliyay 5 gool halka sedex kalana uu sameeyay ka dib 12 kullan oo uu u ciyaaray United dhamaan tartamada ay ku jiraan

Laacibka ayaa ka sheeganaya dhaawac muruqa ah , waxaan lagu haleelay kulankii Aston Villa ee horyalka ee min labada gool ku dhamaday xilligaas oo daqiiqaddii 82-aad lagu badalay Mason Green

Laacibkaan ayaa xilli ciyaareedkaan 8 kullan ka maqnaa United sababo la xariira dhaawac jilibka ah