DHEGAYSO: Barnaamijka Faaqidaadda VOA oo Lagu Lafa-guray Xiisada Kenya iyo Soomaaliya

1631

Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u galin doonin xitaa qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin.

Kenya ayaa dalbatay in Soomaaliya ay sharraxaad buuxda ka bixiso qodobada ay Kenya taabatay ee ku saabsan meelaha shidaalka qaniga ku ah ee la “beeciyay”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa hoosta ka xariiqday in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba sida ay noqoto jawaabta ay xukuumadda Muqdisho ka bixiso sharraxaadda laga sugayo.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Haddaba dad badan ayaa is waydiinaya sababta Kenya ay u soo cusboonaysiisay murankan oo ay uga war sugi la dahay xukunka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

Hadaba Barnaamijka Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka ee VOA ayaa diiradda ku saarey Xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxa soo diyaarisay soona jeedinaysa Falastiin Axmed Iimaan, Iyadoo ay ka Qayb galeen Qareeno iyo Aqoonyahano Soomaliyeed.