“Dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza waa kuwii ugu xumaa ee aan arko waligey”

60

Xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhimashada tirada badan ee dadka reer Falastiin iyo burburka baaxada leh ee ka jira Marinka Gaza.

António Guterres ayaa dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee uu arko abid, wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada daran ee dhanka bani’aadantinimada ee ka jirta Marinka Gaza.

Guterres ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay horey u dalbatay, islamarkaana ay markale ku celineyso in deg deg ah loo joojiyo dhimashada iyo burburkii baaxada leh ee halkaas ka wado Isra’il.

“Heerka dhibaatada aan ku aragno Gaza waa mid aan horey loo arag, weligay ma arag dhimasho iyo burbur heerkan oo kale ah, sida aan ku aragno Gaza, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Wuxuu sidoo kale sheegay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in cilaaqaadka Qaramada Midoobey iyo Isra’il inuu gaaray meeshii ugu hooseysay, kadib markii Qaramada Midoobey ay marar badan dhaleeceysay masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ay Isra’il ka abuurtay Marinka Gaza.

Hadalkaan kasoo yeeray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa imaanaya, iyadoo wali Isra’il ay wado duqeymaha ay ka geysaneyso Marinka Gaza, waxaana la xaqiijiyay in tirada Gaza looga dilay dadka reer Falastiin iney gaartay dhaaftay 41 kun tan iyo wixii ka dambeeyay 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2023.